
Compară ofertele (1)
Prețurile sunt preluate automat din feed-urile magazinelor și pot diferi față de site-ul magazinului. Verifică prețul final la magazin.
Descriere Gunaanad (Ummulraac) - Cabdulqaadir C. Diini
\n \nLafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!\n \n- Axmed F. Cali Idaajaa\n \n \n\n \nSheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso. \n \nMar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.\n
Detalii
- Brand
- Looh Press Ltd
- Categorie
- ENSTK
- EAN / GTIN
- 9781912411306
- Magazine
- 1
- Disponibilitate
- in stock
Produse similare

Looh Press Ltd
Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub) - Maxamed Xuseen Macallin
111,60 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Xabsigaygii: Xusuus Qorkii Baresare Yuusuf Xirsi Axmed - Yuusuf Xirsi Axmed
111,60 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Wiilkii Quusan Waayey: Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid: Xusuusqorkii Ololihii Qaaddiid - Abuukar Cawaale
96,72 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Somali Foreign Policy, 1960-1990: An Analysis of Thirty Years of Diplomatic History - Ibrahim Farah
83,70 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal - Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey
139,50 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Madir Trkh al-oml wa Marjiahu. Ara wa Naqad: ا - Maxamed Xuseen Macallin
148,43 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
The Collapse of the Somali State: The Impact of the Colonial Legacy - Abdisalam M. Issa-salwe
148,43 RON
libris.ro

Looh Press Ltd
Taariikhda Culimada Soomaaliyeed - Maxamed Xuseen Macallin
148,43 RON
libris.ro
